Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska

Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska

Kismaayo: 30 Agoosto, 2023: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda goboleedka Jubaland Mudane Axmed Xuseen Baraki oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumad ayaa soo xiray Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.
 
Shirka Wadatashiga ayaa socday mudo 3 maalmood ah, waxaana goob joog ahaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Tamarta iyo Khayraadka biyaha ee dowladda goboleedyada Jubaland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed Soomaliya. Ujeedada guud ee wadatashiga oo ahaa in la guud-maro lana ansixiyo warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka Biyaha ee dowlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.
 
Ugu dambayn, Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowlad Goboleedyada iyo shaqaalaha farsamada ee Wasaaraddaha ayaa ansixiyay warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dowlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.
Previous heshiis ay kala saxeexdeen labada Shirakadood oo laga Kala leeyahay Soomaliya Iyo Turkia.

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved