Muqdisho, 28, August 2024: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kulan iskaashi ah la yeeshay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane: Mohamed Abdullahi Farah, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Abdullahi Hassan, ayaa lagu falanqeeyey xoojinta dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu hubin karo in reer guuraagu helaan biyo nadiif ah, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee wasaaraddu ay ku taageerayso bulshada baahiyaha gaarka ah qaba.
Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu heli karo adeegyada asaasiga ah ee biyaha nadiifka ah, gaar ahaan deegaannada ay ku badan yihiin dadka reer guuraaga ah. Wasiirku waxa uu xusay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in dhammaan qaybaha bulshada ay ka faa’iidaystaan mashaariicda biyaha iyo tamarta. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dadaalkan uu yahay mid ka mid ah mudnaanta wasaaradda, isla markaana ay ka go’an tahay in si hufan loo fuliyo qorshayaashan si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee qaranka.
Gebogabadii, Wasiirku waxa uu uga mahadceliyey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway, taageerada uu u muujiyey dadaallada wasaaradda iyo sida uu diyaar ugu yahay inuu ka shaqeeyo horumarinta adeegyada biyaha ee dalka. Wasiirka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashigaas, isaga oo xusay in wada shaqayntani ay horseedi doonto in laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo la taaban karo, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fogfog.