Xarunta Tababarada ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (STARC Somalia), oo kaashanaya International Solar Alliance (ISA), ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay tababar xirfadeed oo socday shan maalmood, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Technical Training on Solar Technologies and Applications.”
Tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta STARC Somalia ee magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 11–15 July 2026, waxaana ka qeyb galay 25 xirfadlayaal oo ka kala socday shirkadaha tamarta, Wasaaradaha, Hay’adda Korontada Qaranka (NEA), jaamacadaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqeeya waaxda tamarta.
Tababarku wuxuu isugu jiray casharro iyo tababaro gacanta lagu qabto (Hands-on Practical), iyadoo ka qeybgalayaashu ay si toos ah ugu shaqeynayeen nidaamyo iyo qalab kala duwan oo ay leedahay STARC Somalia, sida Solar PV Training Systems, Solar Water Pumping Systems (Surface iyo Submersible Pumps), Solar Home System, iyo qalabka lagu rakibo, lagu tijaabiyo laguna xaqiijiyo tayada nidaamyada tamarta qorraxda. Sidoo kale, tababarka waxaa lagu qabtay layliyo ku saabsan naqshadeynta nidaamyada Solar PV, rakibidda, commissioning-ka, dayactirka, iyo isticmaalka tamarta qorraxda ee dhinacyada wax-soo-saarka (Productive Use of Renewable Energy), sida waraabka, qaboojinta (Cold Chain) iyo adeegyada bulshada.
Tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada STARC Somalia iyo International Solar Alliance (ISA) ee lagu horumarinayo xirfadaha iyo aqoonta farsamayaqaannada Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo adeegsiga tiknoolajiyada tamarta qorraxda loona xoojiyo horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo ee dalka.






