Moqdishu, 21, Abriil 2024: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Abdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan laqaatay shirkaddaha bixiya adeega koronta ee magaalada muqdisho.
Wasiirka waxaa kulan kaa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Ibrahim Mohamed Ali, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Mohamed Abdullahi Farah, Maareeyaha Haya’dda Korantada Qaranka Mudane: Abdullahi Ahmed Dayib iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Abdullahi Hassan Aden.
Ujeeddada kulanka ayaa daarnayd ka midho dhalinta Is-afgaradkii midaynta shirkadaha adeega korantada bixiya ee Magaalada Moqdisho hore ay u saxeexeen iyo in la dardar-geliyo heshiis rasmi ah oo ay ku midoobaan shirkadahaasi, si ay si wadajir ah uga wada faa’iidaystaan deeqaha horumarinta suuqa korantada.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay inay shirkadaha adeega korantada bixiya midoobaan, si loo horumariyo adeega suuqa korantada Soomaaliya, isla markaana looga wada faa’iidaysto fursadaha maalgalineed ee diyaar ka ah. Shirkadaha adeega korantada bixiya ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaaladda ay Wasaaraddu wado iyo muhiimada ay leedahay inay dhankooda midoobaan si ay u horumariyaan adeega koranto ee ay dadwaynaha siiyaan.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Abdillahi Bidhaan Warsame ayaa ugu dambayn u mahad celiyay dhamaan shirkadaha madasha soo xaadiray, Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay sida ay Wasaaradda uga go’antahay inay horumariso adeega suuqa korantada Soomaaliya si loo helo koranto jaban, la awoodi karo, isla markaana gaadha muwaadiniinta ku dhaqan Magaalada Moqdishu iyo guud ahaan dalka oo dhan.