Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Ibraahim Maxamed Cali ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhawrka (WASH) oo socon doona muddo laba maalin ah.
Waxaana ka soo qayb galay Wasaaradda Biyaha iyo Wasaaradaha Biyaha ee heer federal iyo heer Dawlad Goboleed iyo Kutalda Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhawrka ( National WASH Cluster)
Ujeedada shirkan maanta furmay ayaa ah in laga doodo xalna loo helo arrimaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.
Ka qayb galayaasha ayaa ka doodi doona xaaladda abaarta, ka jawaab celinta Abaaraha, caqabadaha iyo fursadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalada wada jirka ah ee lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada hufan ee Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhawrka.