Wasiir Bidhaan oo soo xidhay Shirka Hogaaminta Biyaha Qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu soo xiray

Muqdisho 27-Sep-2024: Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS OO Muqdisho kuso Xidhay, Shirka hogaaminta Biyaha Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Abdullahi Bidhan Warsame, ayaa so xidhay shirka Hogaaminta Biyaha Qaranka Soomaaliya oo ka qabsoomey Muqdisho shirka waxa kaso qayb galay khuburo biyaha ah oo, ka talo bixisay sida ugu haboon Ee Dalka Soomaaliyeed looga hirgalin lahaa Biyo ku filan.

Wada-xaajood iyo dood wadaag Siyaasadeed oo heerkeedu sarreeyo kuna saabsan Mustaqbalka Biyaha Soomaaliya kadib, waxaa laysla qaatey in kor loo qaado Tayada Wasaaradda, iyo inla helo Shaqaalaha Aqoon iyo khibrad dheerada u leh Arimaha Biyaha, si looga gudbo caqabadaha jira.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Md Abdullahi Bidhan Warsame. Ayaa sheegay in Soomaaliya ay joogto xiligii ayka gudbi lahayd raadinta kaalmada Caalamka  loona baahan yahay sidii looga faa,iidaysan Aqoonta iyo khibradda Dadka Soomaaliyeed.

 

 

Previous Kormeerka Wasiirrada ee Isbitaallada Dowliga ah ee Muqdisho

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved