Ceel-biyoodka deegaanka Deg Elema ee hoostagta magaalada Dhoobley, ee ay dhawaan hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa hadda waxaa si toos ah uga faa’iideysanaya in ka badan 15 tuulo oo ay u badan yihiin haween iyo carruur. Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater […]
Caawa, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa qabatay Afur Wadareedkeedii Sanadlaha ahaa oo ay ka qeybgaleen hoggaanka sare iyo shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabaddan oo sanad walba la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga shaqo ee bahda Wasaaradda. Kulankan ayaa sanadkan ku soo beegmay xilli ay dalka ka […]
“Ceelka Aaato ee la dayactirayo waxaa biyo nadiif ah oo la isku haleyn karo ka heli doona qiyaastii 3,000 oo qoys, sidoo kale waxa uu bulshada iyo xoolaha deegaankas ka taageeri doonaa in ay ka gudbaan abaarta hadda taagan,” waxaa sidaas yiri Liban Aw-Khalif, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Koonfur Galbeed. […]
“Ceelkan waa hanti dadweyne,” ayay si wadajir ah u sheegeen hoggaamiyeyaasha deegaanka Aaato, iyagoo ku adkeeyey bulshada muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo, lana hubiyo in si siman oo caddaalad ah looga wada faa’iideysto. Hoggaamiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ceelkani yahay mid u adeegaya dhammaan bulshada, haddii ay ahaan lahaayeen qoysaska, xoolo-dhaqatada ah, ama […]
Dayactirka iyo horumarinta Ceelka Aaato waxa uu dabooli doonaa baahida biyaha ee muddada dheer ka jirtay deegaanka, iyo sidoo kale abaarta hadda taagan,” ayuu yiri Yusuf Cali, Sarkaalka Arrimaha Bulshada ee Mashruuca Abaartire, mar uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga ceelka. Mashruucan muhiimka ah ayaa loogu tala-galay in looga jawaabo baahida biyaha ee dadka iyo xoolaha […]
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa deegaanka Aato ee hoos timaada degmada Rabdhuure ka bilwoday dayactirka iyo horumarinta ceel muhiim u ah dadweynaha iyo xoolaha halkaas ku dhaqan. Wasaaradda, waxaa fulinta mashruucan u xil-saaran Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience Project) oo uu maalgaliyo […]
Addis Ababa, Febraayo 16, 2026: Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame oo qeyb ka ah wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shir Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika. Meertada 39-aad oo looga dhigay mowduuc Xaqiijinta Helidda Biyo Waara iyo Nidaam Fayo-dhow oo sugan si […]
Muqdisho, 12 Febraayo, 2026: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa guul ku soo gunaanaday Siminaar heersare ahaa oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Tababbarkan oo uu qaban-qaabiyey Mshruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience) ayaa ka koobnaa ANSIXINTA Qariireynta iyo Soo saarista Biyaha Dhulka Hoose iyo tababbar dhinaca farsamada ah oo quseeya […]
Muqdisho, Soomaaliya – 23 Oktoobar 2025: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Dan-Qaran, kuwaas oo si aqlabiyad leh u ansixiyey ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Webiyada […]