Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa maanta qabatay kulan garab istaag loogu muujinayay Ciidanka Qaranka ee wada howlgalka ciribtirka khawaarijta ee uu hormuudka u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xassan Sheikh Maxamuud.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumed ayaa maanta shir wadatashi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Dowlad Goboleed yada ee Wasaaradaha Biyaha.
Kismaayo: 30 Agoosto, 2023: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda goboleedka Jubaland Mudane Axmed Xuseen Baraki oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumad ayaa soo xiray Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.
Wasiir Ku xigeenka Wasarada Tamara Iyo Kheyradka Biyaha Mudane Ibrahim Mohamed Ali ayaa Ka qeybgalay heshiis ay kala saxiixanayeen Laba Shirakadood oo laga Kala leeyahay Soomaliya Iyo Turkia.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumed ayaa kulan Guud la yeeshay Shaqaalaha Waaxaha Kala duwan ee Wasaaradda.
Muqdisho: 31, Luuliyo.
Maareeyaha Hay’adda Korantada Qaranka Mudane Abdullahi Ahmed Dayib oo ay weheliyaan Maareeye Ku Xigeenka Hay’adda Mohamed Ibrahim Muuse, iyo sii hayaha Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Abdifatah Abshir Ibrahim, ayaa kulan laqaatay Unugga Fulinta Mashruuca Dib Usoo Kabashada Korantada Dalka (ILAYS).
Wasiirka Wasaradda Tamrta iyo Kheyradka Biyaha XFS Xildhibaan Jama Taqal Abbas, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda. Mudane Mohamed Abdullahi Farax(Ciye) ayaa maanta hor tagay Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka waxaana uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba.
Kismaayo, 30, Ogoosto, 2023
Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer federaal iyo heer Dowladaha.
Hawl-wadeenada Wasaaradda oo uu hor kacayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Ibraahim Maxamed Cali ayaa maanta si muuqata uga qeyb qaatay xuska maalinta xuriyada ee Munaasabadda 1da Luulyo ee 63-aad.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha XFS Jama Taqal Abbas, oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Guddoomiye xigeenka howlah guud ee Mamulka Gobolka Banadir Xasan Maxamed Jimcaale, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir.